Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM oo sheegay in ay qabsadeen Garoonkii Diyaaradaha ee NO-50
August 4, 2012 - Written byAfgooye:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ay Ciidamada DFKM oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ay dagaal ku qaadeen Garoonkii Diyaaradaha ee NO-50 waxayna duulaanka ka soo qaadeen Saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Laanta Buure.
Dagaalka oo socday saacad ayaa waxay u suurto gashay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM in ay qabsadaan Garoonkii Diyaaradaha ee NO-50 iyo Tuulooyin ku dhow dhow :Saraakiisha ciidanka DFKM ayaa saxaafada u sheegay saaka in ay dagaalka qaadeen ayna guulo ka gaareen.
Afhayeenka Ciidamada xooga dalka Jen. Cali Caraaye Cosoble oo loo yaqaano (Gacma-duule )ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen garoonka diyaaradaha NO.50 iyo tuulooyin ku dhow wuxuuna sheegay in wili dagaalka uu socdo ayna haatan ku sugan yihiin Deegaanka Aala-Yasir .Jen Gacma-duule ayaa ku goodiyey in ay qabsan doonaan magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose halkaas oo xarun weyn ay ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab.
Ilaa haatan ma jiraan saraakiil iyo madax ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose iyo guulaha ay ku faaneyso DFKM.
A/Cawale
Halgan.net