War-murtiyeed ka soo baxay shirkii saxiixayaashii Roadmapka uga socday Nairobi
August 6, 2012 - Written byNairobi:-Shirkii magaalada Nairobi ugu socdey shan ka mid ah saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa dhawaan waxaa laga soo saaray warmurti yeed sheegay in la isku afgartay arrimo khilaaf ka taagnaa qaabka loo soo xulayo xilibaanada gaar ahaan xilibaanada ka soo jeeda beesha Dhulbahante.
War-saxaafeedka ayaa waxaa la sheegay in la isku afkartay in mudanayaasha baarlamaanka ee ee ka soo jeeda beesha Dhulbahanta ay soo xulaan odayaasha dhaqanka ee ku kala sugan magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho , wararka hordhac ah ee soo baxaya ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee beesha dhulbahante ee ku sugan Muqdisho ay soo xulaan ilaa 5 xilibaan halka odayaasha dhaqanka Garoowena ay soo xulaan ilaa 3 xilibaan.
Shirkani ayaa magaalada Nairobi ka socdey labo maalmood xili shalay ay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed uu ka baxay shirkii saxiixayaasha RoadMapka iyagoo u duulay magaalada Muqdisho, War murtiyeedkaan ayaa ku soo beegmaya xalay odaasha dhaqanka ee Dhulbahante ay eed u jeediyeen madaxda Soomaalida ee shirka uga socday magaalada Nairobi iyagoo ku eedee yey in ay gacan togaalinayaan qaabkii ay odayaasha u soo xuli lahaayeen xilibaanada beesha Dhulbahante.
C/casiis Maxamed
Nairobi, Halgan.net