Puntlland: howsha guddiga farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka TSC waa in la tixgeliyaa
August 18, 2012 - Written byGaroowe:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dawladda Puntland kuna qornaa Afka Ingriiska ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay Puntlland ay kaalin wax ka oolah ay ka geystay Roadmapka iyo in ay dadaal weyn ay ku bixisay sidii Dowllada Soomaaliyeed ay uga bixi lahayd xiliga ku meel gaarnimada. War-saxaafeedka ka soo baxay manta dowllada Puntlland ayaa waxaa kale oo lagu xusay in ay lagama maarmaan tahay in la dhowro shaqada ay hayaan gudiga farsamada ee soo xulaya xilidhaanada DFS, dowllada Puntlland ayaa sheegay in aan la aqbali karin in cagajuglayn iyo handa daad loo geysto guddiga farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka TSC.
War-saxaafeedka dowllada Puntlland ka soo baxay ayaa waxaa ay baaq u jeediyeen dhinacyada kale duwan ee madaxda Soomaalida waxaa ay ugu baaqeen in loo madax banaaniyo gudiga farsamada TSC howshiisa iyagoo ku amaanay in gudiga howshiisa uu ku saleeyey hishiiskii ka dhacay Garoowe,iyo Nairobi 4-6 August 2012. Warsaxaafadeedka dowllada Puntlland ayaa waxaa uu ku soo beeg may xili maalintii shalay la shaaciyey ilaa 202 xilidhaan oo ka mid noqon doono dowllada ay beesha caalamku u dhisi doonto 20 bisha August 2012.
Halkaan ka akhri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowllada Puntlland oo ku qoran Af-Ingriis
M_M_Deeq
Halgan.net