Puntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed
August 26, 2012 - Written byGarowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta dowladda Puntland ayaa waxaa ay ku cambaareysay madaxweynaha xilkiisii dhammaaday ee Sh. Shariif Sh. Axmed in uu ku wado faragalin, ku takrifal awoodeed, iyo carqaladeyn guddiga farsamada ee xulista golaha baarlamaanka cusub iyo halis gelin habsami u socodka hannaanka Roadmapka oo maraya xili gabagabo ah.
Dowllada Puntland ayaa warsaxaafadeedkaan cambaareynta ah ku xustay in madaxweyne Shariif oo xil kiisii madaxweynenimo uu ku ekaa 20kii Agoosto waa sida u dhignaaye ayaa sabtidii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku qabtay kulan gaar ah, kaasoo uu kusoo saaray go’aanno aan waafaqsaneyn qaanuunka, kuwaas oo faragalin toos ah ku ah bey yiraahdeen hannaanka siyaasadeed ee marxaladda kala guurka, abuurayana caqabado hor leh oo is hortaaga nabadda.
Arrimaha ay Puntland ku eedeysay Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa kamid ahaa inuu si sharci darro ah uu ku howlgaliyay maxkamadda sare in faragelin ku sameyso habsami u socodka shaqada guddiga farsamada ee xulista xubnaha baarlamaanka cusub.
Halgan.net