Madaxda Sare Ee DFS oo u hambalyeeyey Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Prof.Jawaari
August 28, 2012 - Written byMadaxweynaha DFS,Shariif Sheekh Ahmed ,Ra’iisal Wasaare Cabdiwali M. Cali-Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka DFS Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana ay madaxada DFS soo dhaweeyeen qaabka ay u dhacaday doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS.
Madaxweynaha DFS Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna aad u soo dhaweeyey in DFS ay yeelato Gudoomiye Baarlamaan iyo ku xigeenadiisa oo maanta ka dhacday xarunta akadeemiyada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Raisulwasaaraha DFS Cabdi Weli Maxamed Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aden oo labaduba ay wareysi siiyeen idaacada VOA ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo doorto Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
A/Cawale
Halgan.net