Golaha Baarlamaanka DFS oo maanta shiraya
August 30, 2012 - Written byMuqdisho:Waxaa maanta shir iskugu yimid Golaha Wakiilada DFS oo uu shir gudoominayo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xildhibaanada DFS ayaa waxaa ay ka shiri doonaa qaabka ay u dhacayso doorashada Madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo usbuuuca soo socoda , Xilidhibaanada ayaa waxaa kale oo ay iska dhex xuli doonaa ilaa 15 xubnood oo diyaarin doona qaabka ay u dhacayso doorashada Madaxweynaha.
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha DFS Sh Shariif Sh Axmed iyo gudiga farsamada TSC ee loo xilisaaray xubnaha Baarlamaanka oo iyagu diiday qaar ka mid ah dagaal ogaayaashii in ay ka mid noqdaan Golaha Baarlamaanka.
Gudiga farsamada TSC ayaa ah kuwo taageero ka haysta beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay oo iyagu ah kuwa taageera DFS waxaana ay marar badan soo jeediyeen in gudiga farsamada howshooda loo madaxbanaaniyo lana ilaaliyo amaankooda.
A/cawaale
Halgan.net