AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaanka Balidoogle iyo Berweyn
June 1, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ka hadlay weerar ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen ciidankooda waxayna sheegeen in ay iska difaaceen weerar ay al-Shabaab ku qaadday shalay .
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarka uu shalay subax ka dhacay waddada u dhaxeysa deegaanka Balidoogle iyo Berweyn.
Ciidanka Al-Shabaab ayaa weerar kadis ah ku qaaday ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan ciidanka AMISOM waxaana ay sheegeen in ay u geysteen khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac kana gubeen laba gaari.
Dhanka kale Ciidanka AMISOM ayaa Warsaxaafadeedkooda maanta ku sheegay in dagaalka ka dhacay waddada u dhaxeysa deegaanka Balidoogle iyo Berweyn ay ku qabteen dhowr askari oo ka tirsan ciidanka Al-shabaab qaar kale ay ku dhaawaceen
Taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Andrew Gutti ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa, hub iyo rasaas iyo agab kale wuxuuna sheegay in howlgalada ay sii wadi doonaan.
A/Cawale
Halgan.net