Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray
June 3, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa maanta shaqadiisa bilaabaya.Mr. Ban Ki-Moon, ayaa dhawaan beddelay Ergeygii u qaabilsanaa Soomaaliya, una magacaabay inuu xilkaas la wareego Nicholas Kay, oo ah Diblomaasi u dhashay Britain, waxaana uu Mr. Key maanta si rasmi ah shaqada ugala wareegayaa Mas’uulkii xilkaas uga horreeyey Mr. Mahiga.
Nicholas Kay, ayaa xafiiskiisa ugu weyn ee uu ka howlgalayaa uu noqonayaa Muqdisho, waxaana xafiiska uu mas’uul ka noqonayaa dhammaan howlgallada QM ee Soomaaliya, isagoona taageeri doona dowladda federaalka iyo ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.
QM, ayaa taageerta dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona waddanka Soomaaliya u soo magacowday Madax uga wakiil ahaa xoghayayaasha guud ee QM, kuwaasoo xafiiska u kala dambeeyey.
Augustine P. Mahiga, ayaa xilkaan kaga horreeyey Diblomaasiga reer Britain, waxaana xafiiskii Mahiga lagu magacaabi jiray UNPOS, xaruntiisuna aheyd magaalada Nairobi, halka xafiiska cusub lagu magacaabo UNSOM, kuna shaqeyn doona gudaha Soomaaliya.
Halgan.net/Somalireal