Machad cusub ee lagu magacaabo Ibnu Teymiha oo laga furay Degmada Carmo.[Daawomasawiro]
June 4, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Degmada Carmo ee Gobolka Bari xafladaan oo xariga loo jaray Machad Sharci ah oo lagu magcaabo Machadka culuumta shareecada iyo luuqadda carabiga ee Ibnu Teymiya, kaasoo noqonaya Machadkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo laga furo Degmada Carmo.Xafladdan xariga looga jaray Machadkan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay bulshada qaybeheeda kala duwan ee Degmada Carmo sida: Culumada, Ganacsatada, Odayaasha Haweenka iyo dhalin yarada,ugu horrayn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guddiga Boardka ee Machadka Shiikh Maxamed Salaad Cusmaan oo ka war bixiyey marxalaihii loo soo maray furista machadkan cusub iyo in dadaal weyn loo galay sidii machadkan magaalada looga furilahaa, isagoo intaas ku daray in machadku ka mid yahay macaahidda sharcigaa ee ay Jaamacadda Bariga Africa aqoonsanthay, sidoo kalena uu ka tirsan yahay Raabidhada Macaahidda sharcigaa ee Soomaaliya.
no images were found
Waxaa isaguna xafladda khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Raabidhada Macaahidda sharcigaa ee Puntland, ahna Macalin ka tirsan Jaamacadda Bariga Africa Shiikh Axmed Faarax Garaase sheikhu wuxuu sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan Machadkan cusub kuna farax san yihiin Raabidda ahaan iyo Jaamacad ahaanba, sidoo kale wuxuu sheikhu ku booriyey dadweynihii xafladda kasoo qayb galay in Magaalada laga dhigo Magaalo Cilmi, isagoo intaas ku daray in Magaalooyinka w.weyn mid waliba magac caasimadeed qaadatay sida Boosaaso oo noqotay Caasimadii Ganacsiga , Garoowe Caasimadii Siyaasadda, Carmana looga baahan yahay in ay noqoto Caasimadii Cilmiga diinta.
Waxaa isaguna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Mu,assasada Al-Minhaaj ee Gobolka Bari Shiikh Faarax Maxamed Cajab isaguna dhan kiisa soo dhoweeyey Machadkan cusub isagoo sheekhu tilmaamay in machadkani magaalada wax weyn ku soo kordhinayo loona baahan yahay in laga faa,iidaysto.
Waxaa isaguna xafladda khadka taleefanka ee Magaalada Mombaasa kaga qayb galay Shiikh Maxamed Idris shiikhu wuxuu si weyn usoo dhoweyey Machadkan Ibnu Teymiya isagoo tilmaamay shiikhu inay tahay fursad weyn oo usoo hoyatay dadweynaha reer Carmo iyo Deegaanka ku xeeran wuxuu kale oo shikhu intaas ku daray in ay waajib tahay in cilmiga sharcigaa la barto, loona baahan yahay in ay dadku wax barashada u dareeraan yar iyo weyn, Rag iyo dumarba.
Ugu danbayntuu dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Taliyaha Booliiska Degmada Carmo Yuusuf Axmed Ciise, Ganacsade Fariid Xuseen Cali, Gudoomiyaha Dhalin yarada Maxamed Geelle iyo xubno kale oo ka tirshan bulshada Reer Carmo.Isku soo wada duuboo dadweynihii ka qayb galay Xafalladan xariga looga jaray Machadka Ibnu Teymiya ayaa dareen diirran kusoo dhoweeyey machadkan cusub, Xafladda ayaa kusoo gaba gaboowday farxad iyo jawi aad u degan.
Abdirahman Isse
Boosaaso,Halgan.net