DowroTafsiir ah oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Johannesburg

June 4, 2013 - Written by Editor

DSCN2880[1]Johannesburg:-Waxaa masjidka Imaamu-Shaafici ee magaalada Johannesburg ee dalka koofur Afrika lagu soo gabagabeeyay dowradii sedexaad ee tafsiirka Qur’aanka kariimka ah. Dowradan ayaa ahayd tii saddexaad oo tafsiirka Qur’aanka ah, lana qabtay sanadkan gudihiisa. Dowradan saddexaad ee soo gabagabowday xalay oo taariikhdu aheyd 03/06/13 ayaa waxay soo bilaabatay 24/05/2013, waxayna socotay sidii tii hore labo usbuuc, waxayna ku qaateen ardayda juzka 29aad ama juzka tabaarak ee qur,aanka kariimka ah oo ah.

Dowradan ayaa waxaa ka faa’iidaystay arday fara badan, aadna u jecel barashada diinta oo ku sugan magaalada Johannesburg. Dowradan saddexaad ayaa ku timid codsi ay ardeyda qaar usoo gudbiyeen Sh. Maxamed Aadan C/Le oo ah shiikha jeediayay darsiga, kadib markii uu hore ugu soo dhigay tafsiirka juzka Camma oo ahaa barnaamijka dowradii hore.

Dowradii kodaad ayaa waxaa ardayda u qabtay Sh. Dr. Axmed Daahir Aways oo safar dacwo ah ku yimid dalkan, halka dowradii labaad oo lagu qaatay tafsiirka juzka 30aad ee Qur’aanka uu qabtay Sh. Maxamed Aadam C/Le, taas oo socotay  socotay muddo laba usbuuc oo kaliya, ayaa  soo gabagabowday 22/04/2013.

Dowrooyinkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska dacwada gobolka Gauteng ee hoos yimaada mu’assasada Albayaan, taas oo ay aasaaseen culimada Soomaaliyeed sanadku markuu ahaa 1997. Mu’assasada Albayaan ayaa tan iyo intii la aasaasay waxay qabatay howlo badan oo isugu jira dacawi, samafal, u kala garsoorka dadka wax isku maandhaafsan iyo aaska dadka Soomaaliyeed eek u dhinta dalka K/Afrika.

Insha allah waxaa jiri doona dowrooyin kale oo loo ballansan yahay in la bilaabo ha ahaadeen kuwo tafsiirka ah ama qaybaha kale ee cilmiga sharciga ah.

WAXAA DIYAARIYAY

MAXAMED AADAN C/LLE

MADAXA DACWADA GOBOLKA GAUTENG

EE ALBAYAAN( JOHANNESBURG)

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online