Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo u dhoofay Nairobi
June 6, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana socdaal kiisa ku weheliyey xubno ka tirsan Maamulka J/land .Wafdiga uu horkacyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa casumaad rasmi ah waxay ka heleen Madax weynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaana la filayaa in kulamo kala duwan la qaato Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Afhayeenka Maamulka JubbaLand Cabdinaasir Seerar Maax ayaa saxaafada u xaqiijiyey safarka madaxweynaha maamulka Jubba land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wax uuna sheegay in kulamo looga hadlayo arrimaha Jubooyinka iyo khilaafka DFS iyo Maamulka Jubbaland u ka dhici doono magaalada Nairobi.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi waxaana khilaaf weyn u dhexeeyaa Masuuliinta sare ee DFS iyo Madaxada Maamulka Jubbaland dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Madaxda DFS ayaa ku doodaysa in ay iyagu xaq u leeyihiin in looga danbeeyo maareynta iyo Maamulada laga dhisayo dalka halka Madaxda Jubaland ay ku doodayaan in dastuurka dalka uu dhigayo in ay iyagu sameystaan Maamulkooda .Madax ka tirsan IGAD oo ay ugu horeyso Kenya ayaa wada dadaal lagu dhexdhexaadinayo madaxada DFS iyo Maamulka Jubaland.
Cabdi Yare
Halgan.net