Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

June 6, 2013 - Written by Editor

golaha_wasiiradaMuqdisho:-Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgarad kaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

  1. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.
  2. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
  3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.
  4. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office

Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so

Phone: +252 (0) 616 44 00 28

Leave a comment

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online