Barnaamijyo dacwadeed oo culumadu ka wadeen magaalada Garowe oo caawa la soo gabagabeeyey
June 6, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Wafdigii culumada ee booqashada ku yimid magaalada Garowe waxay xalay ku qabteen masjid ka Al-hudaa Nadwo cinwaankeedu ahaa: Maalgashiga mawsimka dacwadeed (kaalimaha iyo mashaariicda) waxaana ka qayb galay Sheekh Yuusuf Aadan iyo Sheekh. C/naasir Xaaji Axmed. Nadwada ka dibna waxay dhalinyarada Soomaaliyeed kala hadleen khatarta iyo xaaraanimada TAHRIIBKA.
Saakay waxay culumadu soo booqdeen qoyskii uu ka tagey Allaha u naxariistee Sh.C/qaadir Nuur Faarax oo ay kooxda amniyaad ka Al-shabaab ku dhex dileen gudaha Masjid ka Badar xili la tukanayey Salaadii Casar. Wafdi culimo ah ayaa qoyska Sh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha u naxariistee gudoonsiiyey lacag ay dadka Soomaaliyeed ugu tabaruceen Ilmihii Sheekha iyagoo u soo mariyey Hay;adda Islaamiga ah ee Haro.Culimada kulanka gaarka la qaatay qoyska Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Yuusf Aadan , Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan iyo culimo kale.
no images were found
Sidoo kale waxaa Muxaadaro ku saabsan Ahmiyada Dacwada u jeediyey Ducaada iyo culimada Nugaal Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyadoo muxaadarada ka dib uu kalimada Tacliiq kooban ah uu saaray Fadiilatu Sh Yuusuf Aadan. Culimada ayaa waxaa muxaadaraad iyo towjiihaad ay sidoo kale u jeediyeen bahda waxbarshada magaalada Garoowe iyadoo kulanka ay ka soo qayb galeen ardayda Jaamacadaha , Macaahida, iyo Dugsiyadda
Caawa ayaa Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed waxaa uu jeediyey muxaadaro uu ugu magac daray “In nafta lagu tarbiyeeyo JIDDI-yada (in si dhab ah loo dhaqmo). Waxaana markii ay muxaadarad dhamaatay kalimad faallo ah ku jeediyey Sh. Yuusuf Aadan.
Hotelka ay culimadu ka degan yihiin magaalada Garoowe ee NEW RAYS ayaa waxaa caawa iskugu yimid culimada iyo wafdi soo booqday waxaan dhamaan dadweynaha ku dhaqan Garoowe ee Mahad balaaran u jeediyeen culmada Soomaaliyeed ee meelaha fog fog uga yimid howsha Qayska Sh Cabduqaadir Nuur Faarax.
Gabagabadii ayaa wafdiga culumadu waxay reer Garowe uga mahadcesheen sida ay xafladii wareejinta deeqda qoyska u abaabuleen iyo sidda ay u soo dhaweeyeenba, isla markaasna waxay soo gaarsiiyeen salaan ay uga sideen culumada ,ducaadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee USA.
Halgan.net