Xaalada Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose oo degan.
June 10, 2013 - Written by EditorKismaayo: – Xaalada Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose Ayaa saaka Degan kadib dagaalkii ka dhacay gudaha magaalada kuwaas oo sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa saaka Lagu arkayaa gudaha magaalada Kismaayo ciidamo daacad u ah Maamulka Juba land oo ku sugan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan Maamulka J/land iyo Iftin Xasan Baasto.
Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka baqaya in ay dib mark kale ugu dagaalamaan gudaha magaalada Kismaayo kooxaha iska soo horjeeda ee ku sugan gudaha iyo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J / hoose.
Madaxada DFS Ayaa ku baaqay i la joojiyo dhamaan colaada iyo dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Kismaayo waxayna ugu baaqeen kooxaha isku haya i ay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal.
Dhanka kale Masuuliinta Maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyey dhamaan dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo in ay soo abaabushay DFS waxayna ku goodiyeen i ay marna yeeli doonin wax walba oo wax u dhimaya amaanka deegaanada Jubaland.
A / Cawale
Halgan.net