Madaxweynaha DFS oo lagu casuumay Xafladda Boqortooyada UK iyo Shirka hordhaca G8

June 14, 2013 - Written by Editor

David_Cameron_and_President_HassanMuqdisho, 14 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamud oo martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron si uu uga qeyb galo xafladda loo sameynayo Boqortooyada Ingiriiska ee 15ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee Sabtiga 15ka Juun 2013.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta oo 14ka bisha Juun ah lagu wadaa inuu London kula kulmo Rt Hon Justine Greening MP, oo ah Wasiiradda Horumarinta Caalamka (DFID), kulankaas ka dibna uu ka qeybgalayo casho sharaf ay mas’uuliyiinta UK u sameynayaan.  Madaxweynaha ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Saleebaan iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdisalaam Xaaji Hadliye ayaa maalinta Jimcaha 14ka Juun 2013 ay gaarayaan magaalada London.

Maalinta Sabtiga ah ee 15ka Juun 2013 waxuu madaxweynaha la kulmi doonaa David Cameron Ra’iisul Wasaaraha UK, kana qeybgali doonaa xafladda Boqoradda Ingiriiska Her Majesty Queen Elizabeth II, ka dibna waxaa qado sharaf u sameyn doona Ra’iisul Wasaare ku xigeenka UK, ka dibna galabnimadii uu ka qeybgali doono shirka hordhaca G8 oo ay madaxda caalamku ka soo qeybgali doonaan oo looga hadli doono  “Transparency Revolution: the G8 Tax, Trade and Extractives Event” oo ay tahay markii ugu horreysey oo Soomaaliya lagu casuumo shirarka G8.

–       DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson

Office of the President

The Federal Government of Somalia

+252615479911 or +252699998854

yarisow@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online