Culimo safar Dacwadeed ku tegay dalka Koonfur Afrika
June 14, 2013 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaa safar dacwadeed ku yimid dalka Koonfur Afrika habeen kii jimcada soo galaysay markay saacadu ahayd 12:14 AM, 14/ 06/13 Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli iyo Sheekh C/raxiim Abul caynayn, 2-da sheekhba ayaa laga yaqaanaa dalka Kenya iyo Soomaaliyaba.
Sheekh.Maxamuud Shibli xaruntiisa waa Nairobi sidda lawada og yahayba, waana imaamka iyo khadhiibka Masjidka wayn ee Al hidaaya, sidoo kale Sh. Abul caynayn ayaa ay xaruntiisu tahay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana uu mudaris ka yahay masjidka wayn ee jaaliyada Soomaalida ee ku leeyihiin magaalada Mombasa, culimada safarkooda waxa uu ku saabsan yahay ka qayb qaadashada dacwada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika iyo guud ahaan muslimiinta wadankan, iyo arrimo kale oo ku tacaluqa dacwada oo muhim ah, waxaana culimada soo dhaweeyay qaar ka mid ah ducaada majliska albayaan ee dacwada dalkan Koonfur afrika, waxaana ka mid ahaa ducaadii soo dhawaysay Sh.Axmed Dheere oo ah xoghaya guud ee majliska dacwada al bayaan, Sh. Qorane oo ka mid ah golaha sare ee majliska albayaan, Sh.Maxamed Aadan C/lle oo ah madaxa dacwada gobolka Gauteng ee albayaan, sheikh Muxumed Siraad oo ah ducaada Johannesburg iyo ducaad kale, waxaana culimada ay ka soo degeen garoonka caalamiga ah ee Johannesburg, isla maanta waxaa khudbadii jimcaha galay masjidka wayn ee imaamu shaafici ee ku yaalo Johannesburg Sh.Maxamuud Sh Maxamed Shibli oo ka hadlay runtii mowduuc muhim ah (imaanka dhadhanka uu leeyhay, iyo ku sugaanta diinta) waxaana sheekha uu khudbadiisa ku faahfaahiyay sida uu dareemaayo qofka dhadhamiya imaanka macaankiisa iyo sida uu diinta uu ugu sugnaanaayo, sheekha waxuu si waafi ah u sharxay xadiiskii anas (allaha ha ka raali noqdee) uu ka wariyay nabiga (calayhi salaatu wasaalaam) ee ka hadlaayay mowduucan, hadii allah yiraahdo inta ay joogaan culimada magaaladan Johannesburg iyo guud ahaan dalka Koonfur afrikaba waxay geli doonaan duruus iyo muxaadaraad kala duwan oo dadka ay ka faa,iidaysan doonaan, ayadoo maanta ay ka muuqatay dadka soomaalida ee ku tukaday masjidka imaamu shaafici ee Johannesburg sida ay u soo dhawaynayeen culimadooda ugu timid safarka dacwada
Waxaa diyaariyey
Maxamed Aadan C/lle
Madax Dacwada Gauteng
Ee Majliska Al-bayaan