Taliyaha Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Kornel Cismaan Dubad oo sheegay in ay deegaano qabsadeen

June 17, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:Taliyaha Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col.Cismaan Dubad oo saaka saxaafada kula hadlay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka DFS  kuwo AMISOM  iyo ciidanka Itoobiya ay la wareegeen deegaano ku dhow magaalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col.Cismaan Dubad ayaa waxaa uu sheegay in ay la wareegeen  tuulooyinka kala ah Luuq-jeeloow, Baar, Ceel-Cali iyo Baardheere, waxaana uu intaas ku daraya in qabteen ilaa 11 qof oo ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin ciidanka ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ciidanka Al-shabaab wuxuuna ku goodiyey in ay ka saari doonaan Al-shabaab gobalka Hiiraan. Howlgalada ay ciidanka huwanta ah ay qaadeen saaka ayaa noqonaya howl galadii ugu horeeyey oo ay ciidanka Jabuuti ,kuwa DFS iyo kuwa Itoobiya ay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan ilaa intii laga qabsaday magaalada Baladweyne Ururka Al-shabaab oo in mudo ah ka talina yey.

Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan madaxda Al-shabaab oo ka hadashay guulaha uu sheegay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col.Cismaan Dubad .

C/Casiis Maxmed
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online