Al-shabaab oo sheegtay weerarka ka dhacay Xarunta UNDP-da ee Muqdisho
June 19, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan waxaa ay sheegteen weerarkii lagu qaaday Xarunta UNDP-da ee magaalada Muqdisho weerarkaas oo la sheegayo in ay fuliyeen ilaa 5 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab , Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ay fuliyeen ciidankoodu ay ku dileen saraakiil Ajnabi ah oo ku suganaa Xarunta UNDP-da. Masuul u hadlay Al-shabaab ayaa yiri ” Weerarka waxaa fuliyey Mujaahdiin ka tirsan Al-shabaab waxaan ay khasaaro weyn gaarsiiyeen Ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil Ajnabi ah weerarkuna waxaa uu u dhacay siddii loogu tala galay. ”
Dhinac kale Ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugida Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay gudaha u galeen Xarunta UNDP-da oo xoogga ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saaka iyagoo dagaal uu dhexmaray ilaaladii Xarunta UNDP-da. Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska ee Dowllada Federaalka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay dhawaan ayaa sheegay in howl galo ay ka sameeyeen gudaha xarunta UNDP-ga ay ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ay dib u qabsadeen xarunta UNDP-da isagoo sheegay in xaalada xarunta UNDP-da ay tahay mid xasiloon hadda.
Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarka ka dhacay xarunta UNDP-da ee magaalada Muqdisho uu khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad rayid ahaa oo goobta ka dhawaa iyo kuwa ganacsi ku haystay meel aan ka fogayn xarunta UNDP-da.
Khasaaraha dadka ku dhintay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 10 qof oo iskugu jira ciidanka DFS iyo xoogga Al-shabaab iyo Saraakiil ka tirsan UN-ka waxaan ku dhaawacmay weerarka ka dhacay xarunta UNDP-da ilaa 20 qof.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo
A/cawaale
Halgan.net