Ra’iisul Wasaare Saacid oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xarunta UNPD
June 19, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareyey qaraxii ka dhacay maanta xarunta QM ay ku leedahay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Kay, uga tacsiyeeyey shaqaalihii ku waxyeeloobay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dadk reer muqdisho inay is dajiyaan, dowladuna ay qaadayso talaabooyin lagu xaqiijinayo amniga.
“Ciidanka qaranka ayaa si geesinimo leh uga jawaabay ficilkaan axmaqnimada ah waxayna ka hortageen khasaaro intaas ka badan, ciidankuna waxay u taagan yihiin difaaca shacabkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana xusay in Hay’adaha QM ay diyaar u yihiin u dhabar adeegida ficilada ay gaysanayaan argagaxisadu. Lakiin Al-shabaab ma hor istaagi karaan hanaanka nabad ku soo dabaalida dalka, ma joojin karaan dib-u-kabashada, rabshaduhuna ma guulaysan doonaan.
Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee QM Nicolas Kay ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo tacsida qaran ee dowladda iyo garab istaagooda, waxuuna si xoog leh u canbaarayey qaraxii lala eegtay maanta xarunta QM.
“Hay’adaha QM waxay dalka u joogaan sidii ay caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed, mana niyad jabinayso qaraxyadii maanta lagu qaaday xarunta QM, waxaana halkaan uga tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxyada oo isugu jira Soomaali iyo shaqaale Ajanabi ah, ficilkaana maahan mid naga hor istaagaya inaan Soomaaliya ka sii shaqayno” ayuu yii Nicolas Kay
Ergayga qaramada midoobay ayaa hoosta ka xariiqay inay si xowli ah ku sii socon doonto garab istaaga dowlada Soomaaliya
“Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah shaqooyinka aan u joogno dalka, waxaana diyaar u nahay in markasta kula shaqyano duruufaha adag ee soo wajaha shaqada aan u hayno shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidanka Soomaaliya iyo shaqaalaha QM oo ku jiray xarunta oo badbaadiyey dad faro badan” ayuu yiri Nicolas Kay
—-DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase