Puntland oo Cambaareysay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho

June 19, 2013 - Written by Editor

DiriGaroowe:-Dowladda Puntland ayaa waxaa ay cambaareysay weerarkii lagu qaaday maanta xarunta UNDP waxaana ay tacsi u dirtay dhamaan dadkii ku dhintay oo isigu jiray shaqaalo ka tirsan UNDP-da iyo dad rayid ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay Puntland tahay cida ugu horeysa ee ka danqata dhibaatada lagu hayo shacab Soomaaliyeed iyo dhamaan cid kasta oo gacan ku siineysa in ay dib uga soo kabtaan colaadii sokeeye .

Wasiirka warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir ayaa galabta shirjaraa,id ku qabatay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland  waxaana ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dhaqanka ka dhigtay leynta dadka rayidka ah iyo hay,daha u soo gurmaday.

Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Cadooyo ayaa isagana ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho waxaana uu ku eedeeyey DFS in ay ka gaabisay kaalintii amniga wuxuuna sheegay in dowlada ku mashquushay badalida Dastuurkii DFS iyo arimo kale taas oo ka mashquulisay ayuu yiri sugida amaanka magaalada Muqdisho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online