Muxaadaradii ugu horeysey Nadwo xalay lagu qabtay Masjidka Madiina ee Burco [Video+Cod]

June 25, 2013 - Written by Editor

Picture_026Waxaa xalay  ka bilaamatay Masjidka Jaamicul madiina ee magaalada Burco silsilad muxadarooyin ah oo  ay soo qaban qaabiyeen Culimo iyo Arday ka socda Jaamicatul Madiina Almunawara ee dalka sucuudiga. Muxaadaraadkan oo manhaji ah, kana hadli doona dhinacyo kala duwan waxaa  loogu tala galay in lagu iftiimiyo  masaa’il badan oo  looguna tala galay inay ka faa’iideystaan dalabatul cilmiga.

Waxaa xalay  oo ay bishu tahay 25/06/2013 M. kuna beegan 18/8/1434 Muxadaadaradii ugu horaysay ka galay Masjidka Jaamicul Madiina ee magaalada Burco Dr. Faysal Maxamed Cali muxaadaradaas oo ciwaan keeedu ahaa “Ku talaxategida Diinta (Alquluwu fi diin) “ in diinta Alle lagula yimaado ku talaxtegid ama ka gaabin.

Ugu horay waxaa uu Diktoor Faysal Maxamed Cali ku bayaamiyey waxa uu yahay Quluwigi  iyo  inta qaybood  ee uu ka kooban yahay iyo sababaha dadka ku keena inay la yimaadaan  talaxtagga  Diinta Alle. Wuxuuna yidhi diktoorku ” ku talaxtaga diintu waa in  la dhaafiyo xadka  loo dhigay Diinta Alle  ama xadka dadka( culimadda) loo dhigay haloola yimaado aaminsanaan ama camal ahaanba  waxaana loo qaybiyaa Ku talaxtaga Diinta Alle mid ictiqaadi ah iyo mid camali ah”.

Sh. Dr Faysal ayaa aad  ugu dheeraday ku talax taga ku tacaluqa  shakhsiyaadka ama hala ammaano ama makaanadooda hoos ha loo dhigee. ugu danbayna wuxuu ku soo gunaanaday talooyin towsiyaad guud ah  oo ku wajahan   ducaada,  dalabatul cilmiga iyo cid kasta oo u ooman inay Diinta Alle kor u qaadaan.

Hoos Ka daawao Muxaadarada Sheekh Feysal Maxamed Cali “Ku talaxategida Diinta (Alquluwu fi diin)

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh Dr.Feysal Maxamed Cali “Ku talaxategida Diinta (Alquluwu fi diin)
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/ecezx9mtcm/dr_feysal.mp3″] Ama Halkan Mp3

Cabdimaalik Muse coldoon
Burco
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online