Sheekh Xasan Daahir Aweys oo lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan gobalka Mudug.
June 25, 2013 - Written by EditorMudug:-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan gobalka Mudug waxaana halkaas uu kula kulmay waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobalka Mudug.
Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa bad qaba wuxuuna si nabad ah uu ku gaaray deegaano ka tirsan Mudug mana jiraan wararka ay faafiyeen qaar ka mid ah saxaafad kuwaas oo sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ama kuwa Burcad badeed ah ay wadada u galeen Sheekh Xasan Daahir iyo saraakiisha la socota.
Halgan.net ayaa ilo wareedyo ku dhow Sh Xasan waxay u xaqiijiyeen in uu nabad qabo si nabad ahna ku gaaray deegaano ka tirsan gobalka Mudug laguna soo dhaweeyey.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net