Hay’adda Marda oo ku qabtay Magaalada Leicester Shir Sanadeedkeedii.[Video+masawiro]

June 25, 2013 - Written by Editor

muhiimLeicester:-Maalinimadii Axada  oo ay taariikhdu aheyd 23-06-13 waxaa lagu qabtay magaalada Leicester ee dalkan ingiriiska shirkii sanadlaha  ee Hay’adda Marda, kaasoo ay ka soo qeyb galeen dhamaan xubnaha ururka ee ku kala sugan daafaha adduunka. Ugu horayntii waxaa shirkaas furay Gudoomiya Hay’adda  Marda Mudane Abdidahir  Jibriil (Sodonlle) oo si qoto dheer uga hadlay wax qabadkii Hay’adda  inta ay jiray iyo caqabadihii ka horyimid  taas oo uu si fiican u faahfaahiyay.

Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegay Co-odinatorka Hay’adda  (Marda)  Mudane Abdifatah Ahmed Guure oo aad uga hadlay waxa keenay in Hay’adda Marda oo dhisnayd mudo yar in ay gaarto guulaha intaas la’eg oo la taaban karo. Isagoo qeexay sidda lagaga bixi karo caqabadaha hadda horyaala.

no images were found

Waxaa kale oo uu co-ordinatorka Hay’adda  Marda uu halkaas ku soo bandhigay dhaqaalihii ururka soo galay mudadii yareyd ee ay jirtay iyo sidii wanaagsaneyd ee loo maareeyay, taasoo ay aad ugu riyaaqeen dhammaan xubnihii halkaas goob jooga ka ahaa.

Waxaa kale oo inta uu socday kulanka qadka taleefoonka uga qeybqaadatay Marwo Sahra Axmed Calas oo ka mid ah guddiga fulinta ee Hay’adda  Marda oo hadda Howlo shaqo u joogta waddanka Kenya, taasoo u hanbalyeeysay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay shirkaas iyo kuwii soo qabanqaabiyeyba. Sidoo kale Marwo Sahra waxaa ay halkaas ka soo jeedisay howlihii uga qabsoomay waddankaasi Kenya  intii ay joogtay.

Falanqeyn dheer ka dib waxaa kaloo xubnihii halkaas isugu yimid ee  Hay’adda  Marda ay go’aamiyeen in deeqo lacageed loogu deeqo walaalo soomaaliyeed oo ku dhibaateysan wadanka Suuriya, taasoo ka mid ah  ujeedooyinkii loo aas aasey Hay’adda  in ay wax u qabto dadka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan daafaha adduunka.

Sidoo kale waxaa halkaas lagu go’aamiyey in la qabto shirweyn oo ay kasoo qeybgali doonaan dhammaan Jaaliyadda Soomaali yeed ee ku nool waddankan UK kaasoo loogu soo bandhigi doono waxqabadka guud ee Hay’adda  Marda muddadii ay jiray iyo halka ay higsanayso mustaqbalka.

Waxaa kale oo halkaas xaflad sagootin ah loogu sameeyay Marwo Nadiifo Abdul Gare oo loo aqoonsaday in ay noqotay xubintii ugu fir fircooneyd sanadkii tegay, iyadoo halkaas lagu gudoonsiiyay abaalmarin sharafeed. Ugu danbeyntii waxaa shirka soo xiray oo qaatay kalimadii gabgabada gudoomiyaha Hay’adda  Marda Mudane Abdi-dahir Jibriil oo halkaas ugu hanbalyeeyey dhamaan xubnihii sida firfircoon howladoodii shaqo u gutay iyo sidoo kale qaban qaabiyaashii shirkaas. Waxaa kale oo uu kula dardaarmaya dhammaan xubnaha in ay howladooda sii kordhiyaan si loo gaaro hadafka Hay’adda  Marda.

Hoos ka Daawo Video-ga  Shirka Hay’adda Marda ay ku qabtay Magaalada Leicester.

Co-ordinator Marda

Abdifatah Ahmed Guure

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online