Naagtii ninkeeda Ashahaadada u qabatay W/Q Sh Axmed Cabdisamad

June 28, 2013 - Written by Editor

shaxmedSafar buu ku maqnaa, gurigay u soo dabamareen, Inay gaalad tahay bay ka dhaadhiciyeen, Inay soo islaamto ayay ku qanciyeen. Ka dib ninku inuu gaal yahay oo uusan qabin bay usheegeen, wayna fahamtay intaas. Maalintii dambuu soo dhacay. Way ka xijaabatay. Naa maxaa dhacay ?. Gaal baad tahay, ana muslin ee soo islaam ama ina kala wadi!. Haye oo see yeelaa?. Soo qubayso oo ashahaado. Hawraarsan iyo warsan. Wuu soo mayrtay, waana ka hor ashahaatay!. Aayar bay odaygeedii guriga gashatay, hoostana ka gashay illaa waa u islaamaye!.

Maalintii dambe naa hebla bal waran. Ninkii waa ii islaamay oo ashahaadada ayaan u qabtay, waana ii joogaa. Naa ma gaalkii baad hoosta gashatay?. War ma ninkayga ii ashahaatay baad leedihiin waa gaal?. Baxa i dhaafa diin doon maahidine ninkaygaad u dan leedihiine!.

Miskiintu war mahaysee ninku awalba waa ashahaadan jirey, wax cusubna ma keenin. Inuu iyaga u ashahaato ayaa la doonayey, tiina lagama helin. Iyadana ashahaado waa u ashahaado, faraqa labada ashahaado iyo shuruudaha ashahaadada cusubna may fahmin!. Sidaas bay iyadiina ashahaadadii cusbayd uga burtay maadaama ay nin aan ashahaadadiisu ansixin nimaysatay!.

Gabagabadii ninkaan caaqil buu ahaa; waayo xaaskii iskuma taagin ee mushkiladda haysata ayuu fahmay. Xalka sida ay u aragto ayuu ka dhagaystey, waana fuliyey illaa waxa ay ka dabatay waa soo qubayso iyo ashahaado, waana labo arrimood oo wanaagsan. Rag badan baa xaasaskii laga sabtay ku seegeen naa ma anigaad i islaaminaysaa?.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online