Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo
June 28, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegay in Col. Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Dowllada Federaalka ee Soomaaliya ee Gobolka Gedo ay xireen ciidanka Kenya , Col. Cabaas Ibraahim ayaa waxaa laga dhoofiyey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaan hadda lagu hayaa Saldhig ku yaal degmada Dhoobley.
Col. Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu weeraray ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo isagoo ku eedeeyey in ay dhibaato ka wadaan magaalada ayna taageerayaan maamulka Jubbaland oo uu ku tilmaamay Jabhad gaar ah.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in Col. Cabaas Ibraahim Gureey loo qaaday degmada Wajeer oo ay hadda ay ciidanka Kenya ku hayaan Saldhig ku yaal iyagoo ku eedeeyey in uu qayb ka yahay rabshadaha dagaal ee k a jira magaalada Kismaayo.
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaalka uu hadda yahay mid sii qaboobaya walow maanta dhowr jeer uu xoogaystay waxaan hadda dagaalka uu ku soo kooban yahay Warshadii hore ee Hilibka iyadoo la maqlayo rasaas mar mar la isku ridayo.
Ciidanka Kenya ee iyagu ku sugan magaalada Kismaayo ayaa iyagu aan weli qayb ka ahayn dagaalka ka socda Kismaayo waxaan ay ku sugan yihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo Dekkada Kismaayo iyagoo ka haya ilaalo gaar ah.
Cabdi Yare
Halgan.net