Afhayeenkii hore ee Xisbul islaam Sh Xassan Daahir gacan cadaw buu galay.[Dhagayso]
June 30, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenkii hore ee Ururka burburay ee Xisbul Islaam Maxamed Cabdi Caruus oo waraysi siiyey Idaacadda Shabeelle ayaa uga waramay qaabkii loo xiray Sh,Xassan Daahir Aweys xiligii uu soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Afhayeenkii dhinac howl galka Ururka burburay ee Xisbul Islaam Maxamed Cabdi Caruus ayaa sheegay in la shirqoolay Sh. Xassan Daahir Aweys iyo odayaashii keenay magaalada Muqdisho ay dowllada Federaalka balantii uga baxday.
Afhayeenkii dhinac howl galka Ururka burburay ee Xisbul Islaam Maxamed Cabdi Caruus ayaa xusay in ciidanka nabasugida ee DFS ay jirdil kula kaceen una isticmaaleen hub iyo bambooyin wafdigii keenay Sheekh Xassan Daahir Aweys Muqdisho ee iskugu jiray odayaal dhaqan, siyaasiyiin ,Xildhibaano.
Hoos ka dhagayso waraysiga afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Cabdi Caruus
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/2cd6y9loe2/carus.mp3] Halkaan ka Dhagayso
A/cawaale
Halgan.net