Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo ku geeriyooday dalka Finland

June 24, 2013 - Written by Editor
boqorRabbi ha u naxaristee waxaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2013 ku geeriyoodey dalka Finland Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse. Boqor Cabdullaahi ayaa muddo bil ah ku jirey Isbitaal ku yaala dalka Finland, kadib markii Dhiiga madaxa xirmey (Stroke), kadib waxa uu galay Koomo. Boqor Cabdullahi Boqor Muuse ayaa ah nin caan ah oo si weyn looga yaqaaney dalka Soomaaliya waxaana uu ka soo jeedaa Boqortooyada Daarood.
Inkasta oo aan sadaradan yar ku soo koobi karin tariikhda dheer ee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa haddana ka xusi karnaa in uu ahaa aqoonyahan bartey cilmiga sharciga isaga oo Jaamacad uga soo baxay dalka Talyaaniga Bilowgii lixdamaadkii qiyaastii 1964-tii, waxaa uu muddo dheer ka tirsanaa Wasaaraddii Caddaaladda ee Soomaaliya ka hor xukunka Mileteriga iyo kadiba, sidoo kale waxa uu mar joogey Iibka Qaranka Soomaaliya, ugu danbeyntii waxa uu aha Qareen madaxbanaan.
Si kastaba ha ahatee Inqilaabkii ciidanka milteriga ee Soomaaliya 1969, waxa uu noqdey bartilmaameed inta badan la geeyo xabsiyadii Soomaaliya. Sanadkii 1986 waxaa dhintey aabihiis Boqor Muuse Yusuf Boqor Cismaan, markaas Boqor Cabdullaahi waxa uu ku jirey xabsiga, waxaana markii uu dhintey Boqor Muuse laga soo daayey Xabsigii uu ku jirey, iyada o xukuumaddii markaas jirtey sheegtey in ay cafis u fidiyeen tacsida darteed.
Sanadkii 1987 ayaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse loo caleema saarey in uu noqdo Boqorka Beelaha Daarood.
Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse waxa uu ka mid ahaa Duqeytidii saxiixey Bayaankii caanka ahaa ee Manifesto ama Sulux, kaas oo ay talooyin iyo baaq ay ugu dirayeen Xukuumaddii Maxamed Siyad Barre (AUN) 1990 si dalka loo badbaadiyo, waxaana uu ka mid  noqdey duqeytidii xabsiga la dhigey isla sanadkaas.
Sanadkii 1991 waxa uu ka mid ahaa odoyashii iyo siyaasiyiintii u istaagey in la badbaadiyo qarankii Soomaaliya, waxa uu ka qaybgalay shirkii Jabuuti 1 iyo 2 ee lagu soo doortey Madaxweyne Cali Mahdi, intaas kadib Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse iyo siyaasiyiin uu ka mid ahaa Gen.Maxamed Abshir Muuse waxay maamulayen Gobolada Waqooyi Bari oo ka badbaadey dagaladii sokeeye isla markaana ahaa goobo xasiloon oo Booliska iyo Garsoorku ka shaqeeyo, Isimadda oo uu hormuud u ahaa Boqor Cabdullaahi ayaana iska lahaa guddoonka mamaulkaas. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa ka qaybgalay inta badan shirarkii Soomaaliya xalka loogu raadinaayey sanadihii 1990 – 2000.
Sanadkii 1998, ayuu xilka Boqortooyada ku wareejiyey walaalkiis ka weynaa Boqor Maxamuud Boqor Muuse rabbi ha u naxariistee oo dhintey sanadkii 2006. Sanadkii 2000 waxa uu ka mid ahaa ergadii ka qaybgashey Shirkii Carta ee dalka Jabuuti kaas oo lagu dortey Cabdiqaasim Salaad Xassan, Boqor Cabdullaahi ayaa xukuumaddii Cali Khaliif galaydh ka noqdey Wasiirka Gaashaandhiga.
Kadib markii uu dhintey Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo walaal la ahaa Boqor Cabdullaahi ayaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse looga maarmi waayey mar labaad waxaana loo caleemo saarey Boqorka beelaha Daarood sanadkii 2008, kadib Boqorka waxaa la soo dersey xanuun waxaana uu muddo ku noolaa dalka Finland oo ay deganayeen Xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa ifka uga tegay hal xaas saddex wiil iyo gabadh iyo todoba caruur ah oo caruurtiisu dhaleen.
 Meydka Boqorka ayaa lagu wada in maalmaha so socda loo duuliyo dalka Soomaaliya si loogu duugu.Rabbi waxaan uga baryey naa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse in uu janadii firdawsa ka waraabiyo dhamaana umadda Soomaaliyeed samair iyo iimaan ka siiyo gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Boqorku.
Qoraalkan maaha mid aan ku soo koobeyno taariikhda dheer ee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse, waxaanse oran karna waa dulmar guud.
I. Au-musse
Salo, Finland

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online