Ciidamo daacad u ah Axmed Cabdi Godane oo howl galo ka fuliyey degmada Baraawe
June 20, 2013 - Written by EditorBaraawe:Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ayaa sheegay in howl galo ay sameeyeen ciidanka amniyaadka ee ka amarqaata Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay wadaad Muhaajir ah oo aan weli xogtiisa la helin iyo dalka uu u dhashay mudo kooban ayaa khadka Teleefanada la xiray xalay iyo saaka waloow dib loo furay.
Ilo wareed muhiim ah oo la soo xiriiray Halgan.net ayaa u sheegay in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab oo dhawaan soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin in la dilo Abu Mansuur Al-amriiki in xabsiga loo taxaabay halka qaar kalana ay isaga baxeen Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ayaa sheegay in iska horimaad ka dhacay gudaha Degmada oo u dhexeeya Al-Shabaab ay ku dhinteen 6ka mid ah Muhaajiriinta halka ay qaar kale ku dhaawacmeen .Halgan.net ayaa xiriir kala duwan la sameysay ilo wareedyo ku dhow Al-Shabaab si xog buuxda ay u hesho.
Halgan.net ayaa la xiriirtay Sh Xassan Daahir Aweys oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii bayaanaadka , iyo qoraalo ka soo saaray Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane si ay xog badan uga hesho shaqaaqada ka dhacaday xalay iyo saaka Degmada Baraawe balse uma suurto galin.
Dhacdadaan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maalin ka hor ay Hogaanka sare ee Al-Shabaab ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Cabdi Godane ay bayaan ka soo saareen garabka Sheekh Xassan Daahir Away iyo Ibraahim Miicaad Afgani , Abu Mansuur Al-amriiki ,Zubayr Al-Muhaajiri oo bayaano iyo qoraalo ay uga cabanayaan Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ku faafiyey baraha Internetka.
A/Cawaale
Halgan.net