Ciidamo daacad u ah Axmed Cabdi Godane oo howl galo ka fuliyey degmada Baraawe

June 20, 2013 - Written by Editor

shabaabBaraawe:Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ayaa sheegay in howl galo ay sameeyeen ciidanka amniyaadka ee ka amarqaata Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay wadaad Muhaajir ah oo aan weli xogtiisa la helin iyo dalka uu u dhashay mudo kooban ayaa khadka Teleefanada la xiray xalay iyo saaka  waloow dib loo furay.

Ilo wareed muhiim ah oo la soo xiriiray Halgan.net ayaa u sheegay in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab oo dhawaan soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin in la dilo Abu Mansuur Al-amriiki in xabsiga loo taxaabay halka qaar kalana ay isaga baxeen Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ayaa sheegay in iska horimaad ka dhacay gudaha Degmada oo u dhexeeya Al-Shabaab ay ku dhinteen 6ka mid ah Muhaajiriinta halka ay qaar kale ku dhaawacmeen .Halgan.net ayaa xiriir kala duwan la sameysay ilo wareedyo ku dhow Al-Shabaab si xog buuxda ay u hesho.

Halgan.net ayaa la xiriirtay Sh Xassan Daahir Aweys oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii  bayaanaadka , iyo qoraalo ka soo saaray Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane si ay xog badan uga hesho shaqaaqada ka dhacaday xalay iyo saaka Degmada Baraawe balse uma suurto galin.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa  xili maalin ka hor ay Hogaanka sare ee Al-Shabaab ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Cabdi Godane ay bayaan ka soo saareen garabka  Sheekh Xassan Daahir Away iyo Ibraahim Miicaad Afgani , Abu Mansuur Al-amriiki ,Zubayr Al-Muhaajiri oo bayaano iyo qoraalo ay uga cabanayaan  Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ku faafiyey baraha Internetka.

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online