Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi oo nin ku dilay xaafadda Eastleigh

June 11, 2013 - Written by Editor

boolisNairobi:-Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi  ayaa maanta xaafadda Eastleigh ku toogtay nin ay ku sheegeen in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab sida uu qoray Waregeyska The Standard Media oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Kenya .

Taliyaha ciidanka Booliska magaalada Nairobi Benson Kibui ayaa sheegay in ninka ay maanta toogteen ciidanka uu maalintii axada ahayd uu Bam Gacmeed ku tuurday dadweyne lugeynada waxaan weerarkaas ku dhaawacmay ilaa  afar qof .

Ciidamada Amaanka ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in Bastoolad  laga helay ninka ay ciidanka dileen gurigiisa  oo ku yaal xaafada Section Three.

Taliyaha ciidanka Booliska magaalada  Benson Kibui ayaa ku eedeeyey weerarada ka dhaca magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in ay ka danbeeyaan xubno ka tirsan ama taageersan Ururka Al-Shabaab.

Qaraxyada iyo weerarka ka dhaca magaalooyinka Kenya ayaa waxay aad u kordheen ka dib markii ciidanka Kenya ay duulaan ku qabsadeen deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo iyaga oo wata magaca AMISOM.

Halkan ka Akhriso Wargeyska  The Standard Media oo qoray in ciidanka Kenya ay dileen nin ka tirsan Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online