Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada degmada Xamar-jajab

June 3, 2013 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir waxaana howlgaladaas lagu qabtay dad tiro badan ciidamada ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo galaya iyo kuwa ka baxa degmada Xamar-jajab.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa guri guri u baaraya waxayna kala soo baxayaan dhalinyarada degan degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir iyaga oo aan kala sooceyn dhalinyarada .
Goobjoogayaal ku sugan degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay saaka ay ku waabariisteen ciidamo tiro badan oo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM oo xiray dhamaan isku socodka gawaarida iyo dadweynaha.

Howlgalada ka socda qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka Banaadir ayaa saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxay ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho.

Ardayda ,Ganacsatada iyo waayeelka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya howlgalada ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online