Ciidanka DFS iyon kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey magaalada B/weyne
June 23, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ka sameeyey magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen ilaa 100 qof.
Howlgalada ay sameeyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay si gaar ah u baareen hoteelada magaalada B/weyne iyo xaafadaha waxaana dadka lagu qabtay howlgalada la isigu geeyey Saldhiga Booliska ee magaalada B/weyne
Taliyaha ciidanka DFS ee gobolka Hiiraan Col.Tawane Axmed ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada B/weyne wuxuuna sheegay in howlgalada saaka ay sameeyeen ay qeyb ka tahay sugida amaanka magaalada B/weyne.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii daayeen inta badan dadkii saaka howlgalada lagu qabtay qaarna ilaa haatan su,aalo la weydiinayo.
A/Cawale
Halgan.net