Ciidanka Maamulka Jubaland oo miinooyin aan qarxin ka soo saaray waddooyinka Kismaayo
June 22, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta howlgal miino-baaris ah ka sameeyeen waddooyin magaalada Kismaayo waxaana ay fashiliyeen miinooyin lagu aasay wadooyinka dalcada iyo wadada suuqa Umbulutooriya.
Taliyaha saldhigga Booliska Kismaayo G/sare Maxamed Cabdi Buulle Sugow oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo ay guuleysteen in ay fashiliyaan laba weerar oo loo adeegsan lahaa miinooyinka dhulka lagu aaso .
Taliyaha saldhigga Booliska Kismaayo G/sare Maxamed Cabdi Buulle Sugow ayaa ku ammaanay shacabka ku dhaqan magaalada sida ay xogta u soo gaarsiiyeen wuxuuna ugu baaqay shacabka magaalada Kismaayo in ay kordhiyaan la shaqeynta ciidanka Amaanka ee Jubaland.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo waxaana weerarka uu geystay khasaaro kala duwan.
Ilaa haatan ma cada inta uu gaarayo Khasaaraha soo gaaray ciidanka ilaalada ka hayey Saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
Cabdi Yare
Kismaayo