Ciidanka Maamulka Jubaland oo miinooyin aan qarxin ka soo saaray waddooyinka Kismaayo

June 22, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta howlgal miino-baaris ah ka sameeyeen waddooyin magaalada Kismaayo waxaana ay fashiliyeen miinooyin lagu aasay wadooyinka dalcada iyo wadada suuqa Umbulutooriya.

Taliyaha saldhigga Booliska Kismaayo G/sare Maxamed Cabdi Buulle Sugow oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo ay guuleysteen in ay fashiliyaan laba weerar oo loo adeegsan lahaa miinooyinka dhulka lagu aaso .

Taliyaha saldhigga Booliska Kismaayo G/sare Maxamed Cabdi Buulle Sugow ayaa ku ammaanay shacabka ku dhaqan magaalada sida ay xogta u soo gaarsiiyeen wuxuuna ugu baaqay shacabka magaalada Kismaayo in ay kordhiyaan la shaqeynta ciidanka Amaanka ee Jubaland.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo waxaana weerarka uu geystay khasaaro kala duwan.

Ilaa haatan ma cada inta uu gaarayo Khasaaraha soo gaaray ciidanka ilaalada ka hayey Saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

Cabdi Yare
Kismaayo

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online