Dab ka dhacay maanta xero ku taal magaalada Garoowe.[Daawomasawirada]

June 11, 2013 - Written by Editor

dabGaroowe:-Waxaa maanta dab uu qabsaday Kaam ku yaal magaalada Garoowe oo ay ku noolaayeen boqolaal dad oo ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya, dabka ayaa waxaa uu khasaaro gaarsiiyey guryo cooshash ah oo ku yaalay Kaamka. Dabka maanta ka dhacay Kaamka Ajuuraan ayaa waxaa ku dhintay ilaa hadda 3 qof walow aan ilaa hadda si rasmi ah aan loo ogeyn dadka ku dhaawacmay tiradooda, Waqtiga uu dhacay dabka ayaa waxaa jirtay dabayl xooggan oo sahashey in dabku uu si dhaqso ah u fido.Caruurta dabka ku dhintay ayaa la sheegayaa in waalidiintooda ay ku maqnaayeen shaqo xiliga dabku dhacay dadweynaha ku nool magaalada Garoowe iyo dowllada Hoose ee Garoowe ayaa gurmada xooggan ka geystay siddii dabka loo damin lahaa.

Culimo’ udiinka , ganacsatada, Isimada iyo waxgaradka ku nool magaalada Garoowe ayaa waxaa ay bilaabeen in ay ku baaqaan in loo gurmado dadka dhibku ku dhacay iyadoo isla maanta ay dadweynuhu bilaabeen in ay gurmad u fidiyaan dadkii wax ku noqday dabka  ama ku guryo belay.

no images were found

Dadweynaha ku nool magaalada Garoowe ayaa soo aruuriyey  Caano iyo Buskut iyo agab kale si ay gurmada ugu fidiyaan dadka shacabka ah ee dhibku ku dhacay. Dhinac kale dowllada Puntlland ayaa ilaa hadda ka hadal sababaha dhaliyey dabka iyo khasaaraha ka dhashay.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online