Dagaal ka socda Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo
June 28, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu ka socdo Dagaal goos goos ah gaar ahaan Xaafada Farjano , iska horimaadka ayaa waxaa uu salka ku hayaa dagaalo horay uga dhacay magaalada Kismaayo oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleedyo iyo ciidamo daacad u ah maamulka Jubbaland ee Madaxweynaha uu u yahay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Maleeshiyaadka dagaalka kula jira maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay taageersan yihiin Barre Aadan Shire Hiiraale iyagoo saldhig ku lahaa Warshada hore ee Hilibka ee Kismaayo warar kale duwan ayaa ka soo baxay qaabka uu dagaalku ku bilowday iyadoo wararka qaar sheegayaan in maleeshiyaad beeleed hubaysan ay weerareen ciidamo daacad u ah maamulka Jubbaland oo fariisamo ku lahaa Hotel Qiilmawaaye ee xaafada Calanleey iyo Kuubo oo ka tirsan Xaafada Farjano.
Warar kale ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay ka dib markii ay ciidanka Kenya ay xireen Col. Cabaas ka dibna ay maleeshiyaad beeleed ku hayb ah ay dagaalka bilaabeen ka dibna uu dhaawac soo gaary mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland. Dagaalka ayaa ah mid weli socda walow goobah uu ka hadda ka socdo ay yihiin meelo kooban balse waxaa laga cabsi qabaa in dagaalku uu ku baaho xaafadaha magaalada oo dhan.
Wararka soo kordha eek u saabsan dagaalka Kismaayo kala soco Halgan.net
Cabdi Yare
Halgan.net