Dagaal ka socda Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo

June 28, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu ka socdo Dagaal goos goos ah gaar ahaan Xaafada Farjano , iska horimaadka ayaa waxaa uu salka ku hayaa dagaalo horay uga dhacay magaalada Kismaayo oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleedyo  iyo ciidamo daacad u ah maamulka Jubbaland ee Madaxweynaha uu u yahay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Maleeshiyaadka  dagaalka kula jira maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay taageersan yihiin Barre Aadan Shire Hiiraale iyagoo saldhig ku lahaa Warshada hore ee Hilibka ee Kismaayo warar kale duwan ayaa ka soo baxay qaabka uu dagaalku ku bilowday iyadoo wararka qaar sheegayaan in  maleeshiyaad beeleed hubaysan ay weerareen ciidamo daacad u ah maamulka Jubbaland oo fariisamo ku lahaa Hotel Qiilmawaaye ee xaafada Calanleey iyo Kuubo oo ka tirsan Xaafada Farjano.

Warar kale ayaa sheegay in  dagaalka uu qarxay ka dib markii ay ciidanka Kenya ay xireen Col. Cabaas ka dibna ay maleeshiyaad beeleed ku hayb ah ay dagaalka bilaabeen ka dibna uu dhaawac soo gaary mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland. Dagaalka ayaa ah mid weli socda walow goobah uu ka hadda ka socdo ay yihiin meelo kooban balse waxaa laga cabsi qabaa in dagaalku uu ku baaho xaafadaha magaalada oo dhan.

Wararka soo kordha eek u saabsan dagaalka Kismaayo kala soco Halgan.net

Cabdi Yare
Halgan.net

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online