Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis kala saxiixday
June 2, 2013 - Written by EditorNairobi:-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in la dhiso guddi ka shaqeynaya xiriirka labada dal.Hadalkan ayaa soo baxay kaddib shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Maxamad, ayaa sheegtay in labada dowladood ay xoojin doonaan isla markaana dib u eegi doonaan heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen.
Labada dowladood ayaa sanadihii 2005-ta iyo 2009-ka kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.
Shir jaraa’id oo wadajir ay ugu qabteen xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, ayay ku sheegeen in bisha siddeedaad ay qaban doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed.
Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda. Hasa ahaatee, labada wasiir waxay sheegeen in qaxootiga loo celin doono si waafaqsan sharciyada caalamiga ee qaxootiga.
Heshiiska waxaa qeyb ka ah in dowladda Kenya ay aqoonsatay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u xasilinta iyo dib u heshiisiinta dalka.Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
BBC Somalia