Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis kala saxiixday

June 2, 2013 - Written by Editor

calanNairobi:-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in la dhiso guddi ka shaqeynaya xiriirka labada dal.Hadalkan ayaa soo baxay kaddib shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Maxamad, ayaa sheegtay in labada dowladood ay xoojin doonaan isla markaana dib u eegi doonaan heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen.

Labada dowladood ayaa sanadihii 2005-ta iyo 2009-ka kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.

Shir jaraa’id oo wadajir ay ugu qabteen xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, ayay ku sheegeen in bisha siddeedaad ay qaban doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda. Hasa ahaatee, labada wasiir waxay sheegeen in qaxootiga loo celin doono si waafaqsan sharciyada caalamiga ee qaxootiga.

Heshiiska waxaa qeyb ka ah in dowladda Kenya ay aqoonsatay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u xasilinta iyo dib u heshiisiinta dalka.Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

BBC Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online