Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Ansixiyey Safiiro Cusub.

June 20, 2013 - Written by Editor

golaha_wasiiradaMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa,uuna shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa meelmariyey magcaabista 5 safiir oo cusub.

Raiisul Wasaaraha ayaa magcaabista safiirada ku tilmaamay in ay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.

“Tallaabadan waxa ay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka diblamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dardargelinta shaqada ergada diblamaasiyadeed ee Soomaaliya u joogta dalalka caalamka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Safiirada la ansixiyey magacaabitaankooda waxay kala yihiin:
1-Gen. Muuse Xasan Cabdulle, daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.
2-Axmed Cabdisalaam Aadan, danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya.
3-Cali Saciid Faqi Danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgaum iyo Midowga Yurub.
4-Nuur Faarah Xirsi, danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia,
5-Saciid Nuur Yuusuf oo horey u ahaa danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.

Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday ammaanka dalka,waxana warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyadoo Wasiirku uu sharraxaad ka bixiyey weerarkii argagaxisanimo ee shalay lagu qaaday dhismihii hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho. Goluhu si buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas argagixiso.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday kor-u-qaadista heerka nolosha ee ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyey kaalinta ciidamada qalabka sida ee ku aadan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah qaranka Soomaaliya. Wuxuu goluhu garawsaday in loo baahan yahay in kor loo qaado heerka nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray in ay
khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah, arrimaha gudaha, gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada.

Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Soomaaliya dhowaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhowaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya si uu u meelmariyo. Heshiishka Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah in ay helaan deeqo toos ah iyo in laga dhimo lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajiba.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online