Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Prof, C/risaaq Hiirad oo booqday Machadka Ibnu Teymiya ee Carmo.

June 20, 2013 - Written by Editor

2Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Prof, C/risaaq Hiirad Maxamed iyo ku xigeenkiisa Sh.Maxamed Macalin Axmed ayaa waxay booqdeen Mac-hadka Ibnu Teymiya oo dhowaan laga furay Degmada Carmo ee Gobolka Bari, Madaxda Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Machadka  Ibnu Teymiya Ustaad Maxamuud Maxamed Saafi  iyo qaar ka mida Guddiga sare ee Machadka Ibnu Teymiya oo uu ka mid yahay Gud/xigeenka Guddiga Ustaad Faysal Xuseen Cali Xoghayaha Guddiga Maxamed Salaad Cusmaan iyo xubno kale.

Gud/xigeenka Guddiga Machadka Ustaad Faysal Xuseen Cali ayaa ugu horreyn u mahad celiyey wafdiga Jaamacadda Bariga Africa ee soo booqday Machadka Ibnu Teymiya, isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin Booqashadoda , soona dhoweyn ayaan, wuxuuna wafdiga uga  warbixiyey Machadka Ibnu Teymiya marxaladihii ka horreeyey furitaankiisa, baahiyihii keenay iyo dadaalka loo soo maray hirgelinta machadka.

no images were found

Waxaa isaguna kulanka hadal ka jeediyey Maamulaha Machadka Ibnu Teymiya Ustaad Maxamuud Maxamed Saafi  oo isaguna wafdiga uga warbixiyey  halka uu hadda marayo machadku, ardayda ilaa hadda dhigata, muqarrarka ka baxa, qorshaha mustaqbalka iyo guud ahaan habsami usocodka Machadka , isagoo maamuluhu tusiyey Wafdiga Jaamacadda B.A jadwalkooda shaqo, muqarrarka ay bixinayaan, mustawaasha ay qaadanayaan iyo khudatul camalkooda Maadaamaa uu Machadku ka mid yahay Macaahidda xiriirka la leh Jaaamcadda Bariga Africa oo iyadu ah midda ugu weyn Puntlan.

Sidoo kale waxaa kulankaasi  ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Prof C/risaaq Hiirad Maxamed oo sheegay  in ay ka Jaamacad ahaan ku farax san yihiin Machadkan cusub ee Ibnu Teymiya, soona dhoweynayaan, ayna ka warhayeen furitaankiisa, isagoona intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu fara adaygo Machadkan iyo sidii looga mira dhalin lahaa, uuna Machadku u gudan lahaa ujeeddadii loo asaasay, wuxuu kaloo Gudomiyuhu sheegay in ay ka Jaamacad ahaan garab taagan yihiin Mac-hadka Ibnu Teymiya wixii karaankooda ,dhanka kale wuxuu Guddomiyuhu soo jeediyey in dhalin yarada Faraha badan ee Degmada u soo xagaa baxday, isla markaasna aan dhigan Machadka  loo sameeyo Barnaamijyo waxtar u leh dhalinyarada .

Sh, Maxamed Macalin Axmed Ku xigeenka Jaamacadda Bariga Africa oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa xusay in Machadku u baahanyahay dhisme u gaar ah oo uu kirada kaga baxo, isagoo  shiekhu guddiga Mac-hadka ku dhiiri geliyey u hawl gelidda dhisme uu Mac-hadku leeyahay .

Ugu dambayntii wuxuu wafdiga Jaamacaddu Bogaadiyey Mac-hadka Ibnu Teymiya iyo sida wanaagsan ee uu u shaqaynayo.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online