Khudbadda Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS uu ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun
June 26, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iga guddooma salaan diiran, qaddarin gaar ah iyo HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO ku aadan sannadguurda 53-aad iyo habeenkan xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen.
Hambalyo diiran ayaan u diraya dhammaan shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaanse rabaa in caawa muwaadin kasta in uu qaato daqiidado yar oo kooban oo uu xusuusto farxadda iyo rarrayta iyo hilowga aan isu qabnay 26-kii Juun ilaa 1-dii Luuliyo 1960-kii deedna is weydiiyo: Maxaa ina kala kexeeyey iyo maxaa tala ahoo inoo dan ah. Aniga iyo xildhibaanada ila da’da ah iyo kuwa usoo goobjoogay waagaas xorriyada, waxaan isku raacnay in hilowgii ina hayey waagaas maanta mid kasii kulul uu ina hayo, dhammaan xildhibaanadasiday u dhan yihiin, waxay ku mideysan yihiin in midnimo iyo walaaltinimo isugu soo hoyanona ay inoo dan tahay, umaddeena iyo horumarka dalkeenana u roon.
Halkaan ka akhriso khudbadii guddoomiyaha baarlamaanka DFS
Xafiiska warfaafinta ee Guddoomiyaha Baarlamaanka
Dowllada Federaalka Soomaaliya,Muqdisho