Khudbadda Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS uu ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun

June 26, 2013 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iga guddooma salaan diiran, qaddarin gaar ah iyo HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO ku aadan sannadguurda 53-aad iyo habeenkan xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen.

Hambalyo diiran ayaan u diraya dhammaan shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaanse rabaa in caawa muwaadin kasta in uu qaato daqiidado yar oo kooban oo uu xusuusto farxadda iyo rarrayta iyo hilowga aan isu qabnay 26-kii Juun ilaa 1-dii Luuliyo 1960-kii deedna is weydiiyo: Maxaa ina kala kexeeyey iyo maxaa tala ahoo inoo dan ah. Aniga iyo xildhibaanada ila da’da ah iyo kuwa usoo goobjoogay waagaas xorriyada, waxaan isku raacnay in hilowgii ina hayey waagaas maanta mid kasii kulul uu ina hayo, dhammaan xildhibaanadasiday u dhan yihiin, waxay ku mideysan yihiin in midnimo iyo walaaltinimo isugu soo hoyanona ay inoo dan tahay, umaddeena iyo horumarka dalkeenana u roon.

Halkaan ka akhriso khudbadii guddoomiyaha baarlamaanka DFS

Xafiiska warfaafinta ee Guddoomiyaha Baarlamaanka
Dowllada Federaalka Soomaaliya,Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online