Madaxweynaha DFS oo ku baaqay in shacabka in ay iska talaalaan Cudurka Dabeysha

June 11, 2013 - Written by Editor

IMG_9871Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sh. Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta u horseeday shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda tallaalka Dabeysha oo ay iyaga isku hor-tallaaleen warbaahinta horteeda.

Munaasabad ay soo diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xoojinayo muhiimadda tallaalka Dabeysha oo Soomaaliya ay ka mid noqotay 4ta waddan ee Adduunka laga helay cudurka dilaaga ah ee Dabeysha. Wasiiradda Arrimaha Bulshada Marwo Maryam Qaasim oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtey in 2007 laga cirib tiray cudurkan dilaaga ah Soomaaliya, ha yeeshee la arkay dad Soomaaliyeed oo uu cudurkan ku dhacay. Waxeyna ku celcelisay muhiimadda tallaalka oo ka hortag u noqonaya cudurkan halista ah oo naafeeya shaqsiga uu ku dhaco. Waxey sheegtey in cudurkan uu carruurta ku dhici jirey, laakin la helay 13jir uu ku dhacay oo keentay in dhammaan dadka waaweyn ay iyagana iska tallaalaan cudurkan halista ah. Wasiiraddu waxey sheegtey in cudurkan laga tallaalay 600,000 tan iyo bishii May, haddana la rajeynayo in 6da maalmood ee soo socota la tallaalo 4 million Soomaali ah.

Madaxdii ka hadashay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa wakiil ka socday Qaramada Midoobey, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhammaantood ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay fursadan ka faa’iideystaan. Madaxweynaha ayaa yir “Aniga ayaa bilaabaya tallaalka si aan shacabka u tusno in tallaalku uu faa’iido yahay oo aan wax dhib ah keeneynin isla markaana badbaadin kara in cudurka halista ah ee Dabeesha ay ku dhacdo qofka. Cudurkan halista ah ee Dabeesha ka hortag buu leeyahay oo ma laha daawo, tallaalkii aan uga hortagi laheyna waa naloo keenay ee aan u midowno inaan is wada tallaalno, ugana mahadcelino beesha caalamka iyo QM oo noo keenay tallaalkii ka hortagga cudurka Dabeesha.”

–          DHAMAAD _

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online