Madaxweynaha DFS oo kulamo la qaatay Madaxda FAO iyo UNEP

June 3, 2013 - Written by Editor
IMG_9164Yokohama.-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe iyadoo maanta shirkii TICAD V lagu soo gabogabeeyey Yokohama.
Madaxweynaha Somalia ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Japan sida quruxda badan ee wafdiga madaxweynaha loogu soo dhoweeyey dalka Japan iyo sida uu doorka hoggaamineed u qaatay inuu garab istaago Somalia.
Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda FAO iyo UNEP. Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee FAO Dr Jose Grazvano Da Silva ayaa ka wada hadlay sidii FAO ay mashaariic horumarineed uga fulin laheyd Soomaaliya oo ay doorka dib u dhiska iyo horumarka dalka uga qeyb qaadan laheyd. Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hay’ada FAO ay u soo guureyso Muqdisho isla markaana laba jibaareyso howlaha ay ka waday Somalia.
Sidoo kale kulankii uu madaxweynaha la yeeshay Agaasimaha Guud ee hay’ada UNEP ee QM u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa madaxweynahu waxuu ka codsady hay’addan inay shacabka Soomaaliyeed ka saacido xaalufinta dhirta iyo deegaanka, gaar ahaan dhuxusha la dhoofiyo oo uu madaxweynaha sheegay inay sharci darro tahay isla markaana ay wax u dhimeyso deegaanka dalka.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay isla maanta ka soo dhoofaan dalka Japan oo arrimihii ay u yimaadeen ku dhamaaday si guul ah.
– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online