Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynihii waxbarashada ee ka socday Muqdisho

June 20, 2013 - Written by Editor

IMG_0744Muqdisho:-Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay xafladdii xiritaanka Shirweynaha Qaran ee Dib-u-habeynta Waxbarashada ayaa yiri.”Waxbarashadu ahmiyad gaar ah bey noo leedahay, waxaana mahad gaar ah u soo jeedinayaa Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo shirweynaha Qaran ee dib u habeynta waxbarashada soo qabanqaabisay.

Siyaasadda Dowladda ayaa ah in dib-u-habeynta hay’adaha dowliga ah laga qeybgaliyo oo talo ay ku yeeshaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo shirkan waxbarashada iyo kii garsoorkaba ay wada ahaayeen shirar qaran oo dalka gudihiisa lagu dhigay, isla markaana laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegey in uu u soo joogo waqti aan carruurta Muqdisho aysan tagin Iskuulada oo dhibaatooyin fara badan ay jireen, oo uu u mahadceliyey dhammaan dadkii 22kii sano ee la soo dhaafay u istaagay horumarinta waxbarashada, sheegeyna in la joogo waqtigii la fulin lahaa aragtida wasaaradda oo ah in hal milyan oo carruur ah la geeyo Iskuulka. Madaxweynahu waxuu sheegey in haddii laga wada shaqeeyo arrinkan ay suurtogal noqon karto in dhammaan carruurta Soomaaliyeed ay helaan.

Madaxweynahu waxuu sheegey in dalku uu leeyahay kheyraad fara badan oo haddii waxbarasho la helo ay keeni doonto in laga faa’iideysto oo la horumariyo kheyraadka. Madaxweynahu waxuu sheegey inay jiraan waddamo aan kheyraad laheyn haddana dhaqaalahoodu uu aad u sarreeyo sababtana ay tahay iyagoo xoogga saaray waxbarashada. Madaxweynahu waxuu sheegey in 1850kii ay boqortooyada Japan go’aamisay in shacabka Japan laga horumariyo waxbarashada oo ay maanta meel sare ka marayaan caalamka. Soomaaliyana waa inaan mustaqbalka carruurta hadda sii hagaajinaa oo aan aragti dheer la imaanaa.

Madaxweynaha ayaa sheegey in Puntland ay heer sare gaarsiisey waxbarashada shacabka deegaankaas oo uu sheegey in loo baahanyahay in wax laga barto oo dowladda dhexe qorshaheeda waxbarasho laga sii ambaqaado horumarka waxbarashada Puntland.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhacdadii shalay ee xarunta Qaramada Midoobey lagu weerarey ayaa sheegey inay nasiib darro tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu qanciyey inay is dilaan oo ay shacabka laayaan. Waxuuna sheegey in loo baahanyahay in dhalinyaradaas lagu qanciyo inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay bad-baadiyaan naftooda iyo nafta bani’aadamka oo ay ajar iyo abaalmarin adduun iyo aakhiraba ku helayaan.

Madaxweyanaha yaa sheegey inay jiri doonaan shirar kale oo looga hadlayo dib-u-habeynta dhaqaalaha, amniga iyo dib-u-heshiisiinta bacdamaa shirkii garsoorka iyo kan waxbarashada ay noqdeen kuwo guul ku dhammaaday oo u horseeday shacabka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan.

DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online