Madaxweynaha DFS oo tacsi ka diray geeridii Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse.[War-saxaafadeedka]

June 24, 2013 - Written by Editor

madaxweyneMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa  eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Rabbi ha u  naxaristee Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maanta ku geeriyoodey Dalka Filand.

Madaxweynahu Waxuu sheegay in Boqor Cabdullaahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda  Soomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Boqorka  dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan Taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqor tooyo oo waqtigiisa ku bixiyey nabadeynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in  Boqorka uu door muhiim ah ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee ka dhacay  gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya sidoo kalana la soo shaqeeyey dowladdihii dalka soo maray.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Marxuumku ka mid ahaa Odoyaashii iyo Siyaasiyiintii isku hawshay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

–         DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online