Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

June 17, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib markii uu maalmo ka hor safar uu ku gaaray dalka Ingriiska. Madaxweynaha DFS ayaa intii uu joogay dalka Ingriiska waxaa uu ka qayb galay shir ay iskugu yimaadeen dalalka ku horumaray dhinac warshadaha ee G8, Madaxwey naha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska waxaa ay kulan la qaateen Ra’iisul wasaaraha dalka Ingriiska David Cameron.

Wafdiga Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh.Maxamuud ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan 2-da Gole ee Dowllada Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Dowllada Federaalka Soomaaliya Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxaa uu u sheegay in safarkii uu Madaxweynuhu ku tegay dalka Ingriiska in uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online