Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo
June 12, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha DGPL Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa mudo dhow cisho ah waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi waxaan ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Xildhibaanada gobolka W/Bari Kenya, Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay. Wafdiga Madaxweynaha DGPL Jubbaland ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Gen. Fartaag , siyaasiyiin ,odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha reer Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo la hadlay saxaafad ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo isagoo ku booriyey bulshada ku nool Kismaayo in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaad abuuri kara.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo soo hadal qaaday shirk a dhici doona Muqdisho oo ay garwadeen ka yihiin IGAD in uu ka qayb geli doono si loo dhameeyo khilaafka ka dhex aloosan Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.
Warka oo faah faahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
Cabdi Yare
Kismaayo