Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaan oo gaaray Nairobi
June 4, 2013 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan dowlada Kenya iyo Xildhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la yeesho Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud maalinta birito ah waxaana ay ka wada hadli doonaan khilaafka ka dhex aloosan DFS iyo Maamulka Jubbaland oo dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose.
Booqasha wafdiga ka socda Maamulka Jubaland ayaa waxay noqotay hadal heynta ugu badan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan (Ahmed Madoobe) ayaa kulamo la qaadan doona madax ka tirsan dalalka IGAD iyo hay,daha deeqda bixiya.
Cabdi Yare
Halgan.net